28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Qiso yaab leh oo laga helay sida uu u dhacay Qaraxii Wadajir iyo Askari Minishiibiyo ka tirsan oo sabab u ahaa!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay qaar ka mida ciidamada ilaalada xarunta degmadaasi oo maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacay.

Askartan oo saddex xubnood ka kooban ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ku qornaa ilaalada iridka laga galo xarunta degmada oo gaari sida waxyaabaha qaraxa uu gudaha u galay kadibna is qarxiyay.

 Nin is-miidaamiye ah oo waday Gaariga miineysan ayaa awood u helay inuu gudaha u galo xarunta Degmada iskuna dhex qarxiyo, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay ku suuragashay arrintan iyo inay ka hortegi waayeen ciidamadii ammaanka degmada.
Haddaba waxaa la isla dhex marayaa sheeko yaab leh oo ku saabsan qaabka uu Qaraxa u dhacay iyo waxa dhex maray askari Minishiibiyada ka tirsan oo doonayey inuu Canshuur ka qaado baabuurka is qarxiyey oo ay saarnaayeen Moos iyo Khudaar.

Sheekada dhaxmaray askariga iyo ninkii geystay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaariga Homey-da ah ee Mooska siday ayaa waxaa qabtay Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada ee Canshuuraha qaada.

Waxaana uu weydiiyay Canshuur?!!

Darawalka waday Gaariga is qarxiyay ayaa yiri “ Ma Moos ayaa la Canshuuraa”?

Askarigii ayaa ku jawaabay “ Maxaa loo canshuuri waayay”?

Kadib Darawalkii ayaa ku yiri Na geey Sharciga , haddii Moos Canshuur la iiga qaado waa la arkaaye.

Askarigii ayaa inta soo raacay Homey-dii u soo kaxeeyay dhanka Xarunta degmada isagoo u sheegayay Ciidamada kale in Gaarigaan ay ka leexdaan oo dacwo loo heysto.

Sidaas ayaana lagu gudbiyay Homeydii.

Waxaana markii ay u suura gashay in ay Gudaha u gasho Xarunta degmada Wadajir Homeydu , durba Qaraxay Gaarigaas oo sidoo kale uu la socday Askariga soo kaxeeyay oo Mindhaa Komoshin ku yeelan lahaa haddii la Canshuuro gaarigaas.

FG: Haddii ay sidani run tahay qaraxyada Muqdisho muddo 11 sano ah ka dhacayay wax cashar ah oo laga bartay ma jiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News