QM: Laaluush ayaa hareeyey doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee QM arimaha Somalia Michael Keating oo wareysi gaar ah bixiyey ayaa ka hadlay arimaha xasaasiga ah ee taabanaya doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan kuwasoo kamid yihiin doorka dumarka, saameynta odey dhaqameedka ee xulista xildhibanada iyo welwelka laga qabo in doorashada ku dhacdo nidaam xalaal ah oo ka madax banaan musuqmaasuq.

Wareysaiga wakiilka QM oo dhinacyo badan taabanyey ayaa qirey in cod iibsasho iyo Laaluush tahay wax jira isagoo xusey Iney og- yihiin in lacago la is-dhaafsanayo.

“Cod-iibsashada iyo laaluushka waa wax jiroa. Waan ognahay in lacago la is dhaafsanayo. Waxaa aad ka akhrin kartaa warbaahinta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Michael Keating isagoo qiraya laaluush bixinta hareysay doorashada Somalia 2016.

Ergeyga QM oo ka hadlaya qaabka ay kaga hortagayaan talaabdaan ayaa yiri ” Waxaa aan u maleeyaa muhiimadda waxaa ay tahay in codeyntu si qarsoodi ah uu dhaceyso oo aan la isticmaali doonin telefoono oo tusaale ahaan dadku isku sawiraan sida ay u codeeyeen. Xilliga aad codeyneysid, oo aad calaameysid magaca musharraxa aad rabto kaddibna aad sanduuqa codeynta ku riddo codkaaga, intaasi oo dhan si qarsoodi ah ayay u dhacayaan, natiijadana isla markiiba waa lagu dhawaaqaya. Marka inkastoo lacago la is dhaafsanayo illaa iyo xilligaas, ma jirto qaab dadka codadka iibsanayo ay u ogaan karaan in shakhsiga uu u ayaga codkiisa siiyay iyo in kale. Marka taasi waa arrin cajiib ah.”

Dhinaca kale Michael Keating oo ka hadlaya qaababka kale ay kaga hortagi karaan musuqmaasuqa ayaa sheegey in shaqsiga bixiya lacag aan loo dooran xilshibaan.

” Waxaa aan sameyn karnaa hab lagu yaren karo kaalinta lacag is-dhaafsiga ay ku yeelan karto in shakhsiga lacagta bixiyey loo doorto xildhibaan.” ayuu sheegey ergeyga Qaramada modoobey ee Somalia.

Wareysiga Ergeyga QM ayaa ku soo beegmaya xilli maamulada Somalida “Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed doorteen xildhibanada aqalka sare uga qayb gali lahaa Barlamanka Federaalka.

Musharaxiinta Xildhibanada aqalka sare ee maamuladaaan ayaa xubnihii guuleystey iyo kuwa lagaga adkaadey doorashada waxay baxsheen lacag 10,000 USD qofkii taasoo lagu shubey xisaabta xafiiska QM.

QM ayaa sheegtey in lacagaha laga qaadayo xildhibanada aqalka sare iyo hoose ku bixineyso qayb kamid kharashka ku baxaya doorashada Somalia taasoo aaminsan yihiin dadka la socda arimaha siyaasada Iney qayb ka tahay laaluush biixnta hareysay xulashada xildhubanada.

Bixinta lacagtaan ayaa la aaaminsan yahay iney ka horjoogsatey dad badan Iney u tartamaan xilkaan halka wararka qaarkood sheegayaan in musharaxiinta qaarkood lacagaha ka baxsheen siyaasiyiinta dowlada Federaalka ee xillku ka dhamadey.

Warar lagu kalsoon yahay kuwasoo qayb ka yihiin wareysiyo warsidaha GO la yeeshay qaar ka tirsan musharaxiinta ayaa sheegaya in Barlamanada maamulada Somalida lacago farabadan ku qaateen cod u qaadista  xubnaha u tartamayey xubinada aqalka sare.

“Xaalada Somalia amni oo ay Somalia ku jirto way adagtahay qof lacag Laaluush ah ka qaatey Inuu ka badbaado siyaasiyiinta qaarkood kuwasoo qaarkood xiriir la leeyihiin ururada argagixisada ah halka kuwa kale magaalada Muqdishu ku haystaan maleeshiyaad xoogan kuwasoo Fulin kara dilal qorsheysan.” Sidaas waxaa GO u sheegey qof aad uga warhaya arimaha doorashada kasoo magaciisa ka gaabsadey inuu sheego amniga dartiis.

Dhinaca kale xulshada xildhibanada aqalka hoose oo bilaameysa maalmaha soo socda  ayaa waxaa la aaminsan yahay in lacago farabadan la is-dhaafsanayo kuwasoo musharaxiinta xilalkaan qaarkood tageero ka helayaan xubno ka tirsan siyaasiyiinta u sharaxan xilalka sare halka kuwo kale deyman qaadanayaan kuwasoo siinaya ergooyinka iyo madax dhaqameedyada qaarkood.

Dhibaatada Musuqmaasuqa ku hayo doorashooyinka Somalia ayaa maalmahaan waxaa aad u hadal haya shacabka Somalia halka culimaa’udiinku Jimcyaashaan kaga hadlayey khudbadaha masaajidayada kuwasoo sheegey in lagu gaaloobayo bixinta Laalushka la xiriira xildhibaan raadinta.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com