QM ‘oo bad-baadineysa’ 300,000 oo Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay lacag gaareysa 9.26 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo fatahaadaha ku soo laa-laabtay gudaha dalka.

Sanduuqa gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bad-baadin doono nolosha illaa 3oo,ooo oo ruux oo Soomaali ah oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay fatahaado ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Lacagtaasi $8.18 milyan oo ka mid ah waxaa loo isticmaali doonaa raashiin gargaar ah, meelo ay barakacayaashu ka dhigtaan hoy, faya dhowrka nadaafadda, daryeelka caruurta iyo xad-gudubyada dhinaca jinsiga.

Sidoo kale hal milyan oo qeyb ka ah lacagtaasi ayaa loo weecin doonaa dhinacyada caafimaadka, quudinta waxbarashada iyo dhowrista caruurta Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay warbixinta lacagahan ayaa waxaa la marsiin doonaa hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka, si ay gargaar u gaarsiiyaan dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ay geysteen webiyada Jubba iyo Shabelle ee dalka.

“Lacagtaasi oo uu soo uruuriyey sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa ururada samafalka ay deeqo ku gaarsiin doonaan dadka aadka u nugul ee  ku waxyeeloobay fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya,” ayuu yiri xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Adam Abdelmoula.

Meelaha deeqahaasi gargaar la gaasiin doono waxaa ka mid ah goballada Banaadir, Hiiraan, Jubbadda Hoose, Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameynta xoogan ku yeesheen fatahaadaha ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey la daala dhaceysay dhibaato xoogan oo ka dhalatay fatahaado soo laa-laabtay oo ku dhuftay dalka, waxaana QM ay horey u sheegtay in saddex milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg-deg ah.