Sawirro: QM oo billowday kulamo xal loogu raadinayo muranka ka jira doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Balal Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda cakiran ee dalka iyo muranka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

James Swan oo dusha sare kala socday dhaq-dhaqaaqyada ka socda Muqdisho ayaa haatan billaabay dadaallo xal raadin ah oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyada doorashooyinka, gaar ahaan dowladda, Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay waxa ka dhalan kara go’aankii hirgelinta doorashada ee ay ku dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale lagu sheegayt in labada dhinac ay ka arrinsadeen xoojinta iskaashi wadaagga, kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa marba marka dambeysa ka sii dareysa, iyada oo weli kulamo iska soo horjeedo ay ka socdaan magaalada Muqdisho.