Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii mucaaradka iyo saddexda madax goboleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay hotelka Decale, ee madax goboleedyada ay degan yihiin.

Kulanka ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada iyo go’aankii xukuumadda ee ahaa in doorashada la guda galayo, taasi oo Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdcasiis Lafta-gareen ay qeyb ka ahaayeen.

Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne gobleedyada ay ballan-qaadeen inay mar kale xal raadin doonaan kahor inta aan la guda gelin qabashada doorashada.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ka dalbadeen in Midowga Musharaxiinta ay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha ku jira guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Midowga Musharaxiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, si ay usoo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.

Wararka ayaa sheegay in si gaar ah uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran iyo inuu raadiyo dhinaca maqan.