QM oo dalbatay in Maxamed Bin Salman cunaqabateyn la saaro, hantidiisana la xayiro

New York (Caasimadda Online) – U Qaabilsanaha Qaramad Midoowbay dhanka  warbixinnada khaaska ah Agnes Callamard  ayaa sheegay in dilkii loo geystay Jamal Khashoggi uu  yahay dil ka baxsan sharciga ayna mas’uul ka tahay Dowladda Sacuudi Carabiya.

Agnes Callamard oo soo saartay warbixinteedii ugu dambeysay oo ku saabsan Kiiska Jamal ayaa sheegtay inuu yahay  dilkaan mid aan sharci aheyn  isla markaasna uu xad gudub ku yahay heshiiska Vienna ee xiriirka Safaaradaha.

Sidoo kale waxay sheegtay inay Dowladda Sacuudiga gashay dambi kasoo horjeedo mabaadi’da asaasiga ah ee u taal Qaramada midoobay taasoo ah in la ilaaliyo Xuriyadda hadalka iska dhaaf inuu qofka ku muteysto hadalkiisa in la dilo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in la helay caddeymo macquul ah oo laga dalbaday Sacuudiga inay soo xaqiijiso waxaana lala wadaagay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Waxaa jira caddaymo loo qaateen ah oo muujinaya in Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo masuuliyiin kale oo sarsare kuwaas oo shaqsiyaad ahaan loogu qabsan karo dilkii wariye Jamaal Khashoqji, sida ay sheegeen khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay.

Callamard ayaa soo jeedisay in Sacuudiga ay dilkii Jamal Khashoggi ku muteystaan cunu qabateyn la saaro dhaxal sugaha Sacuudiga iyo Hantidiisa gaarka ah ee taalo Dibadda.

Warbixin ay soo saartay Agnes Callamard oo qaabilsan warbixinnada khaaska ah ayaa sheegtay in caddaymaha la hayo ay u qalmaan in la sii sameeyo baaritaanno dheeri ah oo madaxbannaan isla markaasna dhexdhexaad ah.

Warbixinta ayaa dowladda Sacuudiga ku eedeysay inaysan daacad ka aheyn in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkii Jamal isla markaasna aysan diyaar  u aheyn inay Saraakiisha Turkiga kala shaqeyso sidii loo gaari lahaa natiijo kama dambeys ah.

Warbixintaa ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta Sucuudiga ee eedeysanayaasha dilkii Jamal aan loo marin shuruucdyada iyo nidaamyada dambiyada iyadoo aysan jirin cid loo soo jeediyey qorsheynta iyo fulinta dilkii Khashoggi.

Si kastaba ha ahaatee Callamard ayaa sheegtay in xukunkaasi uu ka hoos maray habraacii caalamiga ahaa iyo nidaamyadii la aqbali karay, waxayna ku baaqday in meesha laga saaro.

Ugu dambeyntii warbixinta ayaa Sirdoonka Maraykanka ee FBI ugu baaqday inay furto galka baaritaanka dilkii loo geystay Jamal ayna  dacwad oogista ka bilowdo gudaha Mareykanka.

Khashoqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambuul ee dalka Turkiga.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku adkaystay in dadkaasi aysan ku shaqaynin amar ka soo baxay Amiir Maxamed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah