25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

QM oo digniin culus ka soo saartay go’aanka Sacuudiga ee ka dhanka ah Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa ka hadashay go’aanka ay dowlada Sacuudiga xiriirka ugu jartay dowlada Qadar, kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf ku saleysan taakuleynta Kooxaha Argagixisada.

Zeid Ra’ad Al Hussein oo ah Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ayaa sheegay inay muhiim tahay in la kala qaado xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar iyo howlaha ku aadan waajibaadka Xajka.

Zeid Ra’ad Al Hussein, waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga laga doonaayo inay qafiifiso go’aanka ay muwaadiniinta Qadar ku cadaadineyso, isla markaana dib u fasaxdo muwaadiniinta laga mamnuucay waajibaadkooda cibaado.

”Suuragal maaha in xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar loo cuna qabateeyo muwaadiniinta Qadar, waxaan ka digeynaa in Sacuudiga uu kala sooci waayo xiisada iyo xuquuqda muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar oo xiisad kala dhexeysa”

Waxa uu tilmaamay inuu ka walwalsanyahay saameynta xun ee suuragalka ah ee ku aadan go’doominta diblomaasiyadeed ee Qatar, isagoo ka digay inuu u horseedi karaa dhibaato baahsan dadka caadiga ah.

Sidoo kale, Mr Zeid Ra’ad Al Hussein waxa uu soo jeediyay in dalalka khaliijka ay u istaagan sida lagu xalin lahaa xiisada taagan ee saameynta xoogan ku yeelatay dhowr dal oo muslim ah.

Docda kale, Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa dadka muwaadiniinta ah uga digay inay qeyb ka noqdaan xiisada diblumaasiyadeen ee ka dhextaagan madaxda labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News