QM oo digniin cusub kasoo saartay Soomaaliya + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markale ka digtay Macaluul ka dilaaci karta gudaha Soomaaliya laga billaabo bisha April illaa June ee sanadkaan.

Waxa kale oo ay ku celisay baaqa deeq 2.6 bilyan oo dollar ah si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, iyada oo sheegtay i dalka uu mar kale qarka u saaran yahay macaluul.

Isku-duwaha xafiiska gar-gaarka bini’aadantinimo ee QM ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula ayaa abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan horay loo arag.

“Macaluul waa suurto-galnimo xooggan laga bilaabo April illaa June ee sannadkan, iyo dabcan wixii ka dambeeya, haddii gar-gaarka bani’aadamnimo aan la joogteyn iyo haddii roobabka bilahaas (April illaa June) ay hoos u dhacaan sida hadda la saadaaliyay,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam Abdelmoula wuxuu sheegay in 3.8 milyan oo qof oo dalka ku nool ay ku barakaceen gudaha dalka, taasi oo uga sii daraysa helista adeegyada aasaasiga ah ee hore u koobnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka badan 700,000 oo qof la filayo inay la kulmaan gaajo daran.

Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gar-gaar ay ku noolaadaan.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay haddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaalada taagan.