Askar ka tirsanaa ciidamada KENYA oo qarax lagu dilay

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen askar ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex askari, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kaas oo loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Booliska dowladda Kenya oo ka hadlay weerarka ayaa ku eedeeyay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya la qarxiyay ay socdaalkooda horay usii wateen.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka, si ay u sugaan amniga, ugana hortagaan weerarada Shabaab.

Maalmo kahor aheyd markii qarax noocan oo kale ahaa uu ka dhacay duleedka Gaarisa, kaas oo lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi.