Dagaal u dhexeeyo ciidanka dowaldda iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo xoogag hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goordhow uu ka qarxay deegaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ee ka howlgala gobolkaas, kuwaas oo weerar ku qaaday xubno ka tirsan Shabaab oo doonayey inay ka gudbaan wabiga Shabelle.

Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay sidaas ugu qaadeen weerarka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay fashiliyeen qorshihii ay Al-Shabaab uga gudbayeen deegaankaasi, si u tegaan dhinaca kale ee wabiga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare lixaad leh oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkan, maadaama iyaga oo aan fileyn lagu qaaday weerar gaadmo ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.