Mooshinka Laascaanood oo loo gudbiyay Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa shalay guddoonka Golaha Aqalka Sare u gudbiyay mooshin la xiriira xaaladda ka taagan gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa kalfadhigii shalay ka sheegay in mooshinkaas ay qabteen, balse ay dib u dhigayaan kadib codsi laga daba keenay, sida uu sheegay.

“Waxa jira mooshin ay keeneen Senatorada arrinta Sool iyo Laascaanood ku saabsan, mooshinkaas waa qabanay laakiin codsi ayaa ka daba-yimid oo ah in dib loo dhigo markaa dib ayaa u dhignay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Shacbaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka uu xiligiisa soo dhameysto ee nidaamkiisa uu soo dhameysto ayaa isagana dib idinka soo wadaageyna. Wixii idinka noo qaadan ayaa sharci ah, anaga shraci ayaa ku shaqeynayna nidaam ayaa raaceyna gole ayaa nahay.”

Mooshinkan laga gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayaa imanaya, xilli uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee deegaanka.

Labada dhinac ayaa xalay ku dagaalamay gudaha magaalada Laascaanood, kaasi oo dagaalka uu billowday abaare sideedii habeenimo, ayada oo lasoo wariyay inay barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin baaxada khasaaraha dagaalkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo, uuna galay maalintii 9-aad.

Labada dhinac ayaa dhowr jeer hore u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay in dagaalka la joojiyo, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay keliya mid ku kooban afka baarkiisa.