BEESHA CAALAMKA oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa markale war cusub kasoo saaray dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay si xoogleh u cambaareyneyso sii socoshada dagaalka Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur xoogan.

“Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa qoraalkeeda walaac uga muujisay duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaareen dadka rayidka ah.

“Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa markale ku celiya baaqooda ah in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka.

Ugu dambeyn xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in labada dhinac aysan hor istaagin gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah ee ka ka barakacay Laascaanood.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka beesha caalamka.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.