Daawo: DF oo shaacisay in la dilay 200 oo Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Daa’uud Aweys ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada dalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay kula wareegeen deegaano horleh.

Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howlgallada laga sameeyey, kuwaas oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Guud ahaan howlgallada waddanka ka dhacay todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo qof,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xoojinayaan digniinta kasoo baxday hay’adda NISA, oo horay u shaacisay inay ka war heyso in Al-Shabaab ay ganacsatada ugu yeertay gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo shaaca ka qaaday in ganacsatada ay uga digayaan arrintaasi

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xukuumadda Soomaaliya oo ka duuleysa adkeynta amniga uu ra’iisul wasaaraha la shiray guddoonka sare ee gobolka Banaadir, isla-markaana uu faray in wax laga bedalo amniga.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Talyaaniga, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu ku soo dhammaaday si guul ah, isla-markaana uu wadahadallo lasoo yeeshay madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha wadankaas.