Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee Al-Qacida ee horey u tababaray Soomaalida?

New York (Caasimada Online) – Khubarada QM ayaa sheegay in aragtida ugu weyn ee xubnaha ay tahay in hoggaanka ururka Al-Qaacida uu la wareegay Sayf al-Adl, oo horey mas’uul uga ahaa amniga Osama bin laden, islamarkaana tababaray qaar ka mid ah xubnihii fuliyey weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka.

Guddiga khubarada ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ku sheegay in weli aan si rasmi ah loogu dhowaaqin in Sayf al-Adl uu beddelay Ayman al-Zawahiri oo bishii August ee 2022 lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Kabul.

“Hase yeeshee wada-hadallo dhacay November iyo December ayey dalal badan oo xubno ka ah QM ku qaateen fikirka ah in Sayf al-Adl uu hadda u shaqeeyo sida hoggaamiyaha aan lala loolamin ee kooxda,” ayey tiri warbixinta.

Qiimeynta ku saabsan sababta aan weli loogu dhowaaqin hoggaanka Sayf al-Adl ayaa lagu kala duwan yahay. 

Dalalka qaar ayaa dareemaya in joogitaankii al-Zawahiri ee Kabul ay ceebeysay kooxda Taalibaan oo raadineysa sharciyad “islamarkaana Al-Qacida ay dooratay inaysan arrintan sii xumeyn ayada oo qireysa dhimashadiisa,” ayey yiraahdeen khubarada.

“Si kastaba, inta badan waxay go’aamiyeen in sababta ugu weyn ay tahay joogitaanka Sayf al-Adl ee gudaha Iran, taasi oo dhalisay su’aalo diimeed iyo kuwa howlgal oo horyaalla Al-Qacida,” ayey yiraahdeen.

Ayaga oo xusaya in hal dal uu diiday wax xiriri ah oo Al-Qacida kala dhaxeeya Iran, ayey guddiga QM sheegeen in halka uu joogo Sayf al-Adl “ay dhalineyso su’aalo miisaan ku leh damaca Al-Qacida ay ku xajisaneyso hoggaanka dhaq-daqaaqa caalamiga xilli ay caqabado wajaheyso” kooxda Daacish.

Sayf al-Adl ayaa ku jiray liiska xayiraadda QM tan iyo 2001, si la mid ah Mohammed Salahaldin Abd El Halim Zidan, oo u dhashay dalka Masar, sida ay sheegeen guddiga.

Sayf al-Adl ayaa liiska QM ugu jira inuu la wareegay hoggaanka militari ee Al-Qacida kadib dhimashadii Mohammed Atef – mid ka mid kaaliyayaasha ugu dhowaa Osama bin Laden – kaasi oo lagu dilay weerar ay Mareykanka fuliyeen November 2001.

Ka sokow inuu ahaa madaxii amniga Osama bin Laden, QM ayaa sidoo kale sheegtay in Sayf al-Adl uu mintidiinta bari jiray sida loo isticmaalo qaraxyada, islamarkaana uu tababaray qaar ka mid ah diyaarad afduubteyaashii fuliyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2011.

QM ayaa sidoo kale sheegtay inuu tababaray dagaal-yahanadii Soomaalida ee Muqdisho ku dilay 18 askari oo Mareykan ah 1993-kii, dhacdadii loogu magac daray Black Hawk Down.

Mareykanka ayaa Sayf al-Adl u doonayaa xiriirka uu la lahaa qaraxyadii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Dar es Salaam, Tanzania, iyo Nairobi, Kenya 1998-kii.