Soomaaliya oo u gudubtay ‘marxalad la isku bareero’ kadib go’aankii dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Laanta dembi baarista ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano CID, waxaa waqti fog lagu eedeynayay laaluush wajiyo badan leh.

Qaar waxay la xiriireen madaxda laanta, qaar howl-wadeenada hoose, arrimaha qaarna madaxdii Booliska ee xilka laga qaaday ayaa ku lug lahaa.

Qof madax ah oo gacanta la gali kara arrintan, karana in uu suuliyo ayaa muddo la naawilayay inuu yimaado halka laga xakumo Booliska Soomaaliya.

Dadka baarista loo geeyo ee ku xiran CID-da iyo dadka doonaya faraha dembi la’aanta si ay u dalbadaan Baasaboor ama waxyaabo kale oo socdaal iyo shaqo la xiriira ayaa tabiyay dhowr jeer in lagula kacay musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin.

Xarunta CID waa mid kamid ah goobaha ugu badan oo ay shacabku musuqa ku eedeyeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Isniintii, Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa kor u sheegay eedaha shacab ee loo haysto CID, wuxuuna raaciyay in ay arrintaas xaliyeen oo mardambe aysan dhici doonin in xaruntaas lagu jeeb baarto shacabka Soomaaliyeed.

“Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

“Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

Dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay tuhunka ciidamada ee wada-shaqeynta Shabaab, maantana taliyihii Booliska ayaa carabka ku dhuftay musuqa CID-da iyo inuu arrimahaas xaliyay.

Tani waa astaan muujinaysa inay Soomaaliya u gudubtay marxalad la isku bareero oo aan runta lagala dhuuman cidda ku xad-gudbeysa xuquuqda shacabka iyo muuqaalka dowladnimada.