QM oo faro-gelisay xiisadda magaalada LAASCAANOOD iyo xubno maanta gaaray…

Garoowe (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo faragelin toos ah ku sameysay xiisadda magaalada Laascaanood ee u dhexeysa Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saartay arrintaasi, kuwaas oo bilaabay qorshe u kuur-gelid ah.

Xubnaha ka socda QM oo gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay waxgaradka SSC, ayaga OO kala hadlay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood.

Odayaasha kulanka ka qayb-galay ayaa waxaa kamid ah Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug.

Wararka ayaa sheegaya in waxgaradka SSC ay khubarada QM la wadaageen warbixin iyo caddeymo ku aadan gabood fallo ay sheegeen inay Somaliland ka geysatay halkaasi.

SSC ayaa sidoo kale Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ku aadan in Somaliland ay duqeyn ku garaacday shacab aan waxba galabsan, isla-markaana sababay jariimooyin.

Sidoo kale odayaasha waxa ay guddiga la wadaageen khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday reer Laascaanood.

Dhanka kale guddiga QM ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxweynaha Somaliland, si ay ugala hadlaan xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, si loo soo afjaro dagaalka, sidoo kalena loo caawiyo dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Intaas kadib khubarada ayaa guda geli doona baaritaankooda ku aadan dagaalladii iyo duqeymihii ka dhacay halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay.