Muqdisho (Caasimada Online) – Abdulkadir Isse, u qaabilsanaha xiriirka dadweynaha ee Garsoor Dalka, ayaa soo saaray barnaamij cusub oo loogu magac daray Dr-kii Dilaaga ahaa.
Barnaamijka ayaa ka hadlaya nin sheegan jiray inuu dhaqtar yahay balse si hoose ula shaqeynayey kooxda Al-Shabaab, kaasi oo maleegay weeraro iyo qaraxyo lagu dilay dad badan.
Waxaa barnaamijkan, oo laga sii daayay warbaahinta Qaranka iyo baraha kale ee uu isticmaalay garsoorka ciidamada, ayaa laga bartay farsamooyin cusub oo ay isticmaalaan kooxaha kasoo hor jeeda dowladda.
Barnaamijka oo socda ku dhawaad nus saac ayaa lagu soo bandhigay farsamooyin ay kamid yihiin isticmaalka Cadaymaha Dhaqtarnimada, dharka Ciidan iyo darajooyinkooda xitaa.
Waxaa sidoo kale uu barnaamijka daaha ka qaaday sida mas’uuliyiinta dowladda loo dhex mari karo, loona degi karo xarumaha dowladda.
Abdulkadir Isse ayaa hore u sameeyay barnaamijyo kale sida Macallinkii Dilaaga ahaa.