QM oo ka digtay halis ku soo wajahan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda ay ku sugan yihiin kumanaan ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doonto xaaladda abaaraha kasii daraya ee ka jira dalka Soomaaliya.

Shan Milyan iyo Afar boqol oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelan doonto xaaladaha abaaraha ee ka jira dalka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaaraha ay la xiriiraan dhinaca cimilada dalka iyo abaaro kusoo laalaabtay Soomaaliya, taasi oo saameyn kale ku yeelan doonto kumanaan ruux oo Soomaali ah.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay raad aan wanaagsaneyn ay ku reebtay abaartii sanadkii 2017 ka dhacday dalka, waxaana kumanaan ruux ay ku qasabtay inay ka cararaan guryahooda.

Afhayeen u hadlay Hay’addani oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in cunta yarida ay mar hore bilaabatay,isaga oo ka digay in waqtiga uu aad u yaryahay si loo gaaro dadka ay saameysay abaarta, waxaana uu intaasi raaciyay in Bisha soo socota ay xaalada aad uga sii dari karto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaalada (laba milyan iyo laba Boqol oo qof oo kun) oo Soomaali ah ay hadda la liitaan gaajo una baahan yihiin cunto  iyo gargaarBani’aadanimo oo deg deg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com