QM oo magacowday ku xigeenka NICHOLAS Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee QM, ayaa waxaa lagu shaaciyay in Peter De Clecq loo magacaabay ku-xigeenka ergayga xoghayaha qaramada midoobay ee Somalia.

Warkaasi ayaa waxaa Saxaafada u aqriyay Afhayeenka qaramada Midoobay oo sheegay in Wareegto kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha guud lagu magacaabay ku-xigeenka Nicholas Kay.

Mr Peter De Clecq ayaa wuxuu ka soo jeedaa dalka Holland, waxa uuna sanadkii 2012 ka shaqeeynayay Somalia isagoo isla xilkan hayay muddo kooban.

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska Nicholas Kay, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Peter De Clecq oo noqonaayo ku-xigeenka wakiilka xoghayaha qaramada midoobay ee Somalia.

Mr Peter De Clecq ayaan la ogeyn waxa uu kusoo kordhin doono xaalada cakiran ee ka taagan gayiga Somalia, bacdamaa horay loo soo magacaabay mas’uuliyiin hore oo aan waxba kusoo kordhin Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com