AXMED C/S: Waxaa igu kallifay inaan is-sharxo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey wefdi uu horkacayey musharax Axmed C/salaan Xaaji Aadan, waxaanna wefdiga ay kormeer ku tageen Xarunta Madaxtooyada Gal Mudug oo Xafladu ka dhacaysey iyo goobo farabadan oo Maamulka Gal Mudug hirgeliyey sida: Maxkamada Sare, Garoonka Kubadda cagta iyo Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Wefdiga ayaa la kulmay qaar ka mid ah haweenka Galmudug, waxaanna halkaasi su’aalo lagu weydiiyey Musharax Axmed C/salaan; waxaanna mid ka mid ah gabdhihii kulankaasi ka qeybgalay ay weydiisay haddii uu xilkaasi ku guuleysto isbedeladda laga filan karo.

“Waxa igu kalifay inaan isu soo taago xilka waxaan doonayaa inaan sameeyo isbadel dhab ah oo ku dhisan horumar, cadaalad, iyo maamul baahsan oo gaarsiisan Degmo ilaa heer tuulo, qorshaheyga wax-qabad ee ugu horreeyana waxeey tahay in caruurteennu si nabad ah iskuulada ku aadaan, lana soo celiyo adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horreeyaan waxbarashada iyo caafimaadka” Ayuu yiri Axmed C/salaan.

Axmed C/salaan isaga oo si kooban u sharaxayey dhibaatooyinka bulsho ee ka jira Gobolada Mudug iyo Galguduud, wuxuu sheegay in isaga ay ula muuqato ummadda Goboladaasi ku dhaqan in ay yihiin dad rixin isu ah, balse ay cadaawad kala dhex dhigeen shaqsiyaad danleey ah, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in meel la iska dhigo danta shaqsig ah, lana hormariyo maslaxada guud ee la wada leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com