Odawaa oo kusoo fashilmay ujeedkii uu u gaaray Dhuusamareeb + DAMU-JADIID oo la wada nacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxamaan Maxamed Xuseen ‘’Odawaa’’ uu aad uga carooday dhaqano cusub oo uu kala kulmay Hogaanka sare ee Ahlusunna.

Odawaa ayaa ku gacanseeray rajadii uu ka lahaa la kulanka Hogaanka sare ee Ahlusunna waxaana la sheegayaa inuu dib uga laabtay Dhuusamareeb isaga oo aan gaarin wax natiijo ah.

Odawaa ayaa isku dayay in Ahlusunna uu ka dhaadhiciyo inay wax la qeybsadaan Soomaalida kale ee ka tashaneysa aayahooda kuna shirsan Magaalada Cadaado, hayeeshee waxa ay Ahlusunna Codsigaasi ku tilmaantay mid aan u cuntameynin islamarkaana go’aankooda uu yahay qodobadii ay horay u hordhigeen Wafdiga Dowlada.

Wasiir Odawaa ayaa dib ugu laabtay Magaalada Cadaado kadib markii la sheegay in dib u laabashadiisa uu amray Madaxweyne Xassan Sheekh oo isna aad uga carooday ad adeega Ahlusunna Wal-jameeca.

Ma jirin wax go’aan ah oo ay isla gaareen Wasiir Odawaa iyo Ahlusunna markii laga reebo qodobadii ay soo bandhigtay Ahlusunna oo u cuntami waayay DF Somalia.

Lama Oga talaabada ay qaadi doonto Dowlada Federaalka Maadaama Caasimadda cusub ee Gobolada Dhexe ay awood ku heysato Ahlusunna oo halkaasi dagaal uga saartay Ciidamada Militeriga Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com