Hadliye oo baahida DF Somalia kala hadlaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisalam Hadliye ayaa waxa uu magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga kula kulmay Madaxa sare ee Hay’adda iskaashiga Islaamka iyo xubno Hay’addaasi ka tirsan.

Kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda ayaa ahaa mid ku saleysnaa is weydaarsiga talaabooyinka DF Somalia ay qaaday iyo kaalinta Hay’adda kaga aadan.

Hadliye ayaa waxa uu sharaxaad dheer ka siiyay Madaxa Hay’adaasi waxyaabaha u qabsoomay DF, doorashooyinka la filaayo inay ka dhacdo Somalia iyo dhaqaala xumida heysata Somalia.

Hadliye ayaa waxa uu Mas’uulkaasi usoo bandhigay inay ku dhiirtaan caawinta DF Somalia oo xiligaani ay lasoo daristay dhaqaale yari, si ay Somalia uga gudubto marxaladaha ay ku jirto.

Sidoo kale, Hadliye ayaa ka hadlay aragtida siyaasada sanada 2016-ka,waxa uuna Hay’ada iskaashiga islaamka ugu baaqay in ay hogaanka u qabato arimaha ku aadan dib u dhiska iyo maalgalinta Somalia.

Xoghayaha Hay’ada iskaashiga islaamka Madani ayaa u sheegay Hadliye in xafiiska ay ku leeyihiin Muqdisho uu la shaqeen doono xukuumada si hormarka iyo xasiloonida dalka si wada jir ay uga wada shaqeyn lahaayen.

Waxaa jira wadamo dhowr ah oo dowladda ka taagera dhismaha dalka iyo Hay’adaha dowladda kuwaasi oo ay ugu horeeyan Turkiga iyo Imaaradka Carabta iyo Hay’ado aan dowli aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com