QM oo shir-weyn ku qabaneysa Xamar + SHARIIF XASAN, Gaas iyo Axmed Madoobe oo loo wacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa sheegay in dhamaadka Bisha July Magaalada Muqdisho ay marti galineyso shir weyn oo looga doodi doono Barnaamijka hiigsiga 2016 iyo qaabka ay u hirgali doonto doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Nicholas Kay, ayaa warkaani ka sheegay shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in shirka uu waxbadan ka bedeli doono go’aanada DF Somalia ay ku dooneyso inay dib ugu dhigto xiliga uu dhici doono doorashada.

Sidoo kale, Kay ayaa sheegay in shirka uu ka duwanaan doono shirarkii horay uga dhacay Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka qeybgali doonaan dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfur galbeed, Puntland iyo Maamulo kale oo lagu marti galindoono.

Waxa uu sheegay in shirka ay goobjoog ka ahaan doonaan saaxiibada caalamka ee Somalia, Hay’adda deeq bixiyayaasha iyo diblumaasiyiin heer caalami ah oo si gaar ah loogu martigalin doono, inkastoo uusan sheegin halka ay ka imaan doonaan.

Si rasmi ah uma uusan sheegin goorta iyo maalinta uu shirkaasi sida saxda ah u furmi doono iyo inta maalin ee uu socon doono.

Lama oga sida shirkan u qabsoomi doono hadii aan la xalin khilaafyada hada ka dhextaagan DF Somalia iyo Maamulka Jubbland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com