SHARIIF SAKIIN oo taliyaha daraawiishta K/G u magacaabay ninkii maatada HAWIYE xasuuqay !!

Marka (Caasimada Online) – Wareegto uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa lagu sheegay inuu Taliyaha Ciidanka Daraawiishta K/G u magacaabay Horjoogahii Maleeshiyadii Beesha Biyamaal Cabdullahi Waafoow.

Wareegtadda oo ku suntan 13 June 2015 waxeey aad uga yaabisay dadka u dhashay Beelweynta Hawiye maxaa yeelay Cabdullahi Waafoow wuxuu bil gudaheed xasuuq wadareed , Umulo doox iyo goowrac kula kacay dad rayid ah oo u dhashay Beesha Hawiye taas oo sababtay in dadka degaanka Shabeeladda hoose iska celiyaan oo isaga iyo Ciidankiisa laga saaro inta badan degaanadda Gobolka Shabeeladda hoose.

Lama oga Shariif Xasan Sheekh Adan sababta ku qasabtay inuu xilal sare ku tixo shaqsiyaadkii xasuuqa baahsan ka geeystay Shabeeladda hoose laakiin magaacabista Waafoow waxaa la rumeeysan yahay iney gogol xaar u tahay dhagar uu Shariifka la damacsan yahay beesha Hawiye.

Sikastaba ha ahaatee, Odayaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Beesha Hawiye ayaa sheegay ineysan aqbaleyn kana sii mid ahaan doonin maamulkaas hadii uusan Shariif Sakiin ka laaban magacaabista uu gacan ku dhiiglaha ku abaalmariyay xil Taliye Ciidan.

 

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA SHARIIF XASAN

waafow wareegto