Xog: Darbiga ay Kenya ka dhiseyso xaduudda oo laga cabsi qabo inuu hakat ku yimaado, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu hakat galo dhismaha darbiga ay Dowlada Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia.

Dhismaha darbiga ayaa lagu soo waramayaa inay faragaliyeen QM iyo xubno Diblumaasiyiin ah oo Britain ka jooga Nairobi.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Kenya ay ku wargaliyeen inay wado siyaasad dhul ballaarsi ah oo ay kusii fideyso dhulalka ay ka heysato Somalia.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamayaa in Dowlada Talyaaniga ay faragalin kusoo sameysay dhismaha darbiga oo ay iyadu si aad ah u garaneyso halka uu ku egyahay xadka Somalia bacdamaa ay xili hore soo gumeysatay.

Lama cadeyn in Kenya ay hakineyso dhismaha iyo inkale, balse waxaa la filayaa inay Dowladahaasi ay marka hore kala xaajoon doonto kadibna ay ku dhaqaaqi doonto hakin ama sii wadis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com