Axmed Madobe oo ka hadlay qilaafka DF & Juba

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka BF Somalia uu ku kala eryay BJ.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in BF Somalia uusan ka talin aayaha Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in kala dirista BJ uusan laheyn wax saameyn ah balse ay howshu halkeeda kasii soconeyso.

Waxa uu tilmaamay in go’aanka kasoo baxay BF Somalia uu cashir u yahay Maamulka Jubbland, waxa uuna cadeeyay in Mowqifkiisu yahay inaan istaagin howsha uu hayo BJ.

Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday saameynta Khilaafka kala dhexeeya DF Somalia uu ku yeelan karo barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

Axmed Madoobe waxa uu ballan qaaday in Maamulkiisa uusan ka maqnaan doonin shirarka ka dhexeeya DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka kaasi oo looga arrinsanaayo Doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo walba oo ku aadan sidii Soomaaliya ay uga sii gudbi lahayd marxaladda xilligaan ay taagan tahay.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Safarkiisa waxa uu ahaa mid shaqo, waxaa ugu muhiimsan waxa ay ahayd hiigsiga 2016, waxaan ka wada hadalnay sidoo kale waxyaabaha naga dhaxeeya dowladda Federaalka, hadii aan nahay Jubbaland waxaan u maleynaa in aan nalooga baran Fogaansho, laakiin inaan isla qaadanay wax walba wadadooda inay qaadato, 2016 sidii aan horay ugu heshiinay ayuu ahaa ee ah in Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd laga shaqeeyo, waana ka shaqeyneynaa, waana ku dadaaleynaa dhankeena”

Dhanka kale, waxa uu warbaahinta ka shaaciyay in shirka ka furmaayo Magaalada Muqdisho ay ka qeybqaadan doonaan isaga oo xubnaha ugu sareeya Maamulkiisa, waxa uuna carabka ku dhuftay in laba qeyb ay u kala qaadi doonaan sidaa awgeedna uusan Khilaafka saameyn doonin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com