Dhageyso: Kay oo ka hadlay wada-hadalada DFS iyo JUBBALAND, arrin kalena shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaablisan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in la dhmmeeyo khilaafka ka dhex taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Nicholas Kay ayaa xusay in guddiga xukumadda ay magacawday iyo madaxda maamulka Jubba laga sugayo in ay wada fariistaan si muranka jira xal waara looga gaaro.

Kay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hadalka Axmed Madoobe ee ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa shaaca ka qaaday in bisha July ee soo socota magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Halkan ka dhageyso Kay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com