Axmed Madoobe oo saraakiil DF ah soo tarxiilay

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa laga soo masaafuriyay Magaalada Kismaayo, ayaga oo manta yimid Muqdisho.

Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Balse sida weyn uga soo horjeeda Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa noo Xaqiijiyay Jiritaanka Wararka sheegaya in Saraakiil Ciidan oo Milatariga Soomaaliya ka tirsan laga soo eryay Kismaayo.

Saraakiisha laga soo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo ayaa gaaraya ilaa Shan Sarkaal, inkastoo aanan helin magacyadooda. Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay in uu Xariirka u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay us heegay in xubnaha Dowladda ee Jooga Kismaayo ay ka soo saarayaan Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland wali kama hadlin Jiritaanka Warka sheegaya in Saraakiil Ciidamada Xoogga ka tirsan laga soo eryay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com