QM oo shaacisay in Somalia ay ku barakaceen dad ku dhow nus milyan qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Qaramada Midoobay ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay in ku dhow nus milyan qof ay ku barakaceen kaliya fatahaadda uu Soomaaliya ka geystay webiga Shabelle.

Sidoo kale warbixintan ayaa waxaa lagu shaaciyey in fatahaadaha iyo daadadka jira ay sal kiciyeen dad gaaraya illaa 341,884, guud ahaan Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Warbixin ay soo saartay hey’adda Isku dubaridka Arimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha iyo daadadka jira ay sal kiciyeen dad gaaraya illaa sadex boqol afartan iyo koow kun siddeed boqol siddeetan iyo afar ruux 341,884, guud ahaan Soomaaliya .

Hey’adda, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso raashsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof illaa bisha December ee sanadkan ayaa xaalku sii murgi doonaa haddii Wabigu mar kale fataho.

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen.

Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan waxaa ku sal kacay fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ee xilligaan Dadka Soomaaliya ay wajahayaan,marka laga yimaado Ayaxa iyo Covid-19.