Diblomaasiyiin Shiinaha iyo Taiwan kasoo kala jeeda oo isku gacan qaaday

Beijing (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin ka tirsan dowladda Shiinaha iyo maamulka sheegta madax-banaanida ee Taiwan ayaa si weyn isugu gacan qaaday munaasibad ay labada dhinac ka qeyb-galeen, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga dalka Fiji.

Diblomaasiyiintan ayaa ka hor inta ay isu gacan qaadin ku murmay munaasibad lagu xusayay maalinta qaranka Taiwan, taasi oo xubnaha Taiwan ku doodayeen inaysan marti-qaad u fidin diblomaasiyiinta Shiinaha.

Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa ku andacooneysa in saraakiisha shiinaha aysan jirin cid u fidisay casuumaad, xili ay cirka isku sii shareertay xiisada labada dhinac.

Isku gacan qaadkaasi ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyey waxay waxyeelo kasoo gaartay afar diblomaasi oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen ilo xogagaal ah.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa muddooyinkii dambe si weyn usii kala fogaanayey, iyada oo bilihii u dambeeyayna uu xoog u xumaaday xiriirka labada dhinac, xili ay Taiwan ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan Shiinaha, halka isaguna qabo midaasi badalkeeda.

Xiisada labada dhinac ayaa suurta-galin karta inuu kusoo dhex dhaco Mareykanka oo la fahamsan yahay inuu muddooyinkii dambe xiriir saaxiibtinimo oo dhow la lahaa xukuumada Taiwan.