Faah-faahin: Khasaaraha ka dhashay qarax caawa lala beegsaday agaasime Koofi

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo mid yahay askari ka tirsanaa ilaalada Agaasime Koofi iyo qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyootay qaraxaas.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa, in kastoo aan weli tiradooda rasmiga ah loo xaqiiji karin.

Qaraxa waxaa ka badbaaday Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, wax yar un kadib markii uu ka soo baxay Hotel Afriik oo u dhaw isgoyska KM-4.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aada dhan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, gaar ahaan banaanka hore ee Hotel Afriik.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.