Wasaarada ka mid ah kuwa DF oo lagu lunsaday lacag ka badan 6 milyan oo dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa laga soo warinayaa musuq-maasuqii ugu cuslaa ee xarumaha dowladda, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, sida uu daboolka ka qaaday barnaamijka Galka Baarista.

Barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da ayaa tirsigiisi toddobaadkan kusoo bandhigay lacag malaayiin doolar ah oo mas’uuliyiinta wasaarada caafimaadka ay lunsadeen, xili qaar kamid ah xubnahaasi lagu riday xukuno kala duwan.

Musuq-maasuqa wasaaradda caafimaadka ma aheyn mid keliya ku koobnaa dhaqaalihii loogu tala-galay cudurka safmarka ah ee Covid-19, balse soo taxneyd muddo ka badan saddex sano, taasi oo ka dhigeysa bilowga xiligii uu Farmaajo qabtay talada dalka.

Lacagta la musuq-maasuqay ayaa Galka Baarista uu ku sheegay mid kor u dhaafeysa Lix milyan oo dollar, kuwaasi oo ka kala yimid deeq-bixiyeyaasha kaalmada ka geysta caafimaadka Soomaaliya.

Dhaqaalaha oo ka yimid Beesha Caalamka ee sida sharci darrada ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka ayaa gaaraya 6.1 Milyan oo Doollar, waxaana dowladda Soomaaliya ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah: Hay’adda UNPF, UNICEF iyo Hay’adda World Vission, iyo msuqan uu socday muddo sanado ah.

Lacagta Wasaaradda caafimaadka ka heshay Hay’adahan iyo cadadkeeda waxay kala tahay:

United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000
Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000
Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000

Waxayna lacagahaasi si toos ah ugu dhacday Akoono wasaarada looga furay bank-yada gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo xisaaboodka ka madax-banaana qasnada dhexe ee dowladda, isla markaana si weyn loogu tagri falay.

Arrintan ayaa imaneysa xili maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 24 August ee sanadkan 2020-ka, xukuno kala duwan ku riday 9-mas’uul oo ka tirsanaa wasaarada oo loo haystay inay musuq-maasuqeen dhaqaalaha cudurka Covid-19.

Si-kastaba, Musuq-maasuqa wasaaradda caafimaadka ayaa ah mid soo socday dhowr sanno, taasi oo meesha ka saareysa in keliya musuq lagula kacay dhaqaalihii badnaa ee aduunku ugu deeqay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Halkan ka dhageyso barnaamijka