Xog: GOODAX oo xaalad caafimaad u jooga Turkiga iyo qalliin lagu sameeyey

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa la sheegay inuu ka xanuunsanayo dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa qaliin ku galay dalkaas Turkiga, waxaana la sheegay in laga qalay Carabka, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin..

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay qaraabo ama isku beel yihiin Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Caasimada Online u sheegay in xaqiiq ay tahay qaliinka uu galay Wasiir Goodax.

“Waa dhab, qaliin ayuu galay oo Carabka ah waana lagu guuleestay waxaana soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online.

Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka tirsanaa Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay ka soo muuqan liiska Golaha cusub ee wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble inkastoo la sheegay inuu raadiyay xilkaas.

Ma cadda haddii sababta uu xilka ku waayey ay tahay sababo caafimaad iyo in qof kale laga door biday, waxaase xusid mudan inuu ka mid ahaa wasiirada aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.