Madaxweynayaashii hore oo soo faro-geliyey xiisadda Abgaal iyo Xawaadle – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay soo faro-geliyaan xiisadda ka taagan HirShabeelle.

Saddexda madaxweyne ee hore ayaa qorshaynaya in ay ku baxaan muranka u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kaas oo ka dhashay dhismaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle, iyo jagada madaxweynaha oo la isku hayo.

Beesha Xawaadle ayaa dooneysa in loo daayo xilka madaxweynaha, halka beesha Abgaal ay rumeysan tahay in xilka loo siman yahay. Waxaa sidoo kale xiisadda qeyb ka ah dowladda federaalka oo xilka madaxweynaha la rabta Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ay kulamo gaar gaar ah billaabeen, sidoo kalane ay Mobile kula hadleen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta gobalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Mahdi, waxay isla garteen in la badbaadiyo HirShabeelle oo si dhab ah loo galo tabashooyinka taagan waxaana arrintaas ka qeyb qaadan doono Imaamka iyo Ugaas-ka Abgaal,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Abgaal oo la hadlay Caasimada Online.

“Xawaadle waxay Madaxweyne Xasan Sheekh, salaadiinta iyo odayaasha Abgaal u sheegeen in ay tabasho qabaan dowlada Soomaaliya-na ay dab ka dhax-shideyso labadaan beel, taas waxay sababtay in arinta si dhab ah loo guda galo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoonka aan la hadalnay.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay siyaasiinta, odayaasha iyo aqoonyahaanka Beesha Xawaadle, iyagoo ka hadlay tabashooyinka ay ka qabaan dhismaha 2-aad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle waxayna soo saareen baaqyo ay ku dalbanayaan in khilaafkooda la xaliyo.