QM oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada UNOCHA ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda adag ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee haatan ka taagan gudaha wadanka.

Warbixinta ka soo baxday UNOCHA ayaa waxaa lagu shaaciyey digniin cusub oo ku aadan cunno yari baahsan oo haatan soo wajahday qoysas badan oo Soomaaliyeed, iyada oo warsaxafaadeedkan lagu sheegay inay xaaladdu ka sii dari doonto bisha May 2022-ka.

UNOCHA ayaa sidoo kale tilmaamtay in qiyaastii ilaa 3.5 milyan oo qof ay wajihi doonaan cunto yari ba’an illaa December, kuwaas oo ku dhowaad 640,730 ka mid ah ay wajihi doonaan xaalad deg-deg ah oo ka dhasha yaraanshiyaha ku yimaaday Roobabkii la filayey.

“Yaraanshihii roobabkii deyrta ee bilaha 10aad iyo 12aad ayaa sidoo kale si weyn u saameeyay wax soo saarka xoolaha,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay UNOCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada UNOCHA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in illaa in ka badan 5.9 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, si looga samata bixiyo xaaladaha nololeed ku geedaaman.

“Xaaladaha cimilada ee soo noq-noqda, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha,  COVID-19 iyo saboolnimada sii kordheysa,” ayaa markale lagi yiri warbixinta.

Xaaladahan bani’aadanimo ayaa waxa uga sii dareysa abaar baahsan oo ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobollada ku yaalla koonfurta oo xaalado daran ay ka jiraan.