Magacyada xildhibaanada ku fadhiya 9-ka ee la shaaciyey jadwalka doorashadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada Somaliland ayaa shalay shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Waxaan halkaan idinkula wadaageynaa magacyada xildhibaanada afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey 9-kaas kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland:

1- #HOP214: Dr. Cilmi Maxamuud Nuur
2- #HOP218: Cabdow Maax Faarax
3- #HOP226: Maryan Maxamuud Ciise
4- #HOP233: Yurub Axmed Raabi
5- #HOP208: Jamaal Xasan Ismaaciil
6- #HOP210: Faadumo Xasan Cali
7- #HOP202: Aamina Cumar Jaamac
8- #HOP225: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
9- #HOP272: Guuleed Caydaruus Cige

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn usoo dhaweeyay shaacinta jadwalka sagaalkan kursi, oo doorashadooda ay dhaceyso toddobaadkan.

Rooble ayaa guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadceliyay shaacinta jadwalka kuraastaa, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen bilowga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu markale faray madaxda dowlad goboleedyada inay bilaaban doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, xili lasoo gebagabeeyay doorashadii Aqalka Sare.

Waxaa aad u yar kalsoonida lagu qabi karo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Somaliland ay u dhacdo si daahfuran, maadaama aad looga deyriyey qaabkii loo qabtay doorashada labadii kursi ee lagu bilaabay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xalay war ka soo saaray doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa dalbaday in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, sidoo kalena la dedejiyo.