QM oo walaac xoog-leh ka muujisay go’aankii ay DF Somalia qaadatay dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeedinayey kulanka golaha ammaanka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2021.

Swan ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday go’aankii ay dowladda federaalka ah ku diiday ergeygii ka socda Ururka Midowga Afrika ee John Mahama oo dib isaga laabtay.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tahay arrin laga welwelo in dowladda Soomaaliya ay iska diiday ergeygii Midoowga Afrika u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo dadaallada socda ee doorashada.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, isaga oo ugu baaqay inay ka dhabeeyaan wada-hadallada socda ee doorashada.

James Swan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in madaxda Soomalaiyeed ay heystaan fursad muhiim ah oo dalka looga gudbin kari xaaladda adag ee uu jiro, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah oo ay sii adkeeysay is-faham waaga ka jira doorashooyinka.

Si kastaba, John Mahama ayaa iska casilay xilkan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay go’aankeeda, waxayna ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay dowladda Kenya.

Hadalkan ayaase ku soo aadayo, iyada oo haatan isku dhowaasho laga sameeyey wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in go’aanka beri lagu dhawaaqo, si markaasi loo bilaabo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.