Weerar dad isku qoys ah lagu dilay oo ka dhacay Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar lagu dilay dad shacab ahaa ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo warramayaa in dadka lagu dilay oo gaarayey illaa saddex qof ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay dadkaasi ugu tageen gurigooda, kadibna ay dileen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka la dilay ayaa kala ahaa labo wiil oo walalale ah iyo sidoo kale gabar ay Abti u ahaayeen, kuwaas oo meydadkooda la geeyey Balanballe.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug.

Falkan ayaa walaac xoogan waxaa ka muujiyey dadka deegaanka, iyadoo lagu soo warramayo inay haatan socdaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey.

Sidoo kale waxaa weerarkan lala xiriirinayaa inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano dhowr ah ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii duleedka Balanballe uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay oo dhex-maray maleeshiyaad ku wada sugan halkaasi.