QM oo war culus soo saartay dagaalka Ethiopia iyo Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa bayaan uu maanta kasoo saaray xiisada dagaal ee ka aloosan dalka Itoobiya, ayuu ku baaqay in xiisadaasi loo dejiyo qaab nabadeed.

Antonio ayaa walaac xoogan ka muujiyey xiisada cakiran ee ka taagan gobolka Tigreyga, kadib markii golaha wasiirada Itoobiya ay shalay ku dhawaaqeen in gobolkaasi lagu soo rogay bandow deg-deg ah.

Xoghayaha ayaa sheegay in xiligan lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah xiisadaasi, midaasi oo lagu joojinayo dagaalka dowladda federaalka iyo gobolka Tigreyga.

Waxa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ka go’an tahay inay dowladda Itoobiya ku taageerto wada noolaanshaha nabadeed iyo hiigsigeeda mustaqbal wanaaga, si looga baaqsado dagaalo sokeeye.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu isla shalay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF, midaasi oo uga sii dartay xiisada labada dhinac,

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulankaasi ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, taasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxa kale oo uu goluhu isla shalay amray in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Gobolka Tigreyga ayaa galay go’doon, maadama la jaray dhamaan isgaarsiinta iyo internet-ka, iyada oo lagu soo waramayo in halkaasi ay ka socdaan iska hor imaado culus oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulkaasi.