QM oo war cusub kasoo saartay doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay maalinta caalamiga ah ee Haweenka (Sideeda March) oo maanta ku beegan, isla-markaana si weyn looga xusayo gudaha dalka Soomaaliya.

QM  ayaa ugu horreyn hambalyo guud u dirtay dhammaan haweenka Soomaaliyeed, iyada oo shaacisay inay muuujiyeen geesinimo iyo adkeysi.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa soo hadal qaaday doorka haweenka ee doorashada, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la gaaro qoondada loo qorsheeyey ee ah 30%.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay in metelaadda haweenka ay wax weyn ke beddali karto siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada,”.

Doorashada Golaha Shacabka oo haatan mareyso gabagaba ayaa waxaa weli heerkii la rabay laga gaarin qoondada haweenka, walow ay kuraasta qaar kusoo baxeen gabdho, halka kuwa harsana la filayo in lagu soo daro haween kale, si loo ilaaliyo qoondada 30%.