Maxaa dhici kara haddii uu Farmaajo markale soo laabto?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Cismaan Xasan Cilmi ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso halis jiritaankeeda ku yimaada haddii dib loo soo doorto Farmaajo oo dhaawac weyn u geystay dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu ku abaal dhacay shacabka, xiligana loo baahan yahay in la dadajiyo doorashada Golaha Shacabka, si uu dhaco isbedel cusub oo aad looga fiirsaday.

“6-da sano ee ay joogaan waa wax ugub ah in lix sano uu muddo xileed iska jiro. La iskumana dayin in wax sifo sharci darro ah lagu sii korodhsado dowladdan ka hor,” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Xulafada lixda sano na gaarsiiyay, waxaa aaminsanahay in tallada dalka ay kusoo laabaneyn, haddii ay kusoo laabtana ay horseedayaan halaag iyo bur-bur oo aysan muuqanba horumar.”

Guddoomiye Cismaan ayaa sidoo kale ku dooday in xiligan ay dalka samata-bixin karin dadka Qurbajooga ah ee muddo ka maqna dalka, islamarkaana ay tahay in doorkaan talada loo dhiibo qof aan ka bixin dalka oo ka shaqeynaya horumarka dalka.

“Isbedelka imanaya yuusan noqon qiiro jabaan, waa in uu noqdo mid laga fiirsado oo la hubo oo hore noo wadi kara uu yahay. Waa in la dadajiyo doorashada, baarlamaankii wax dooran wax boqol ka yar ayaa ka dhiman ha la dadajiyo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday Golaha Wada-tashiga Qaranka inay iclaamiyaan waqtiga la iskugu yeerayo xildhibaanada cusub, si loo dardar-geliyo doorashada dalka, oo horseedaysa isbedel cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday marxalada kala-guurka, waxaana xiligan gaba-gabo ku dhow doorashada Golaha Shacabka oo loo qabtay in lagu soo dhameystiro 15-ka bishaan Maarso.