Kooxda Farmaajo oo wadda qorshe ka dhan ah Hawiye oo lagu bedelayo saami qeybsiga beelaha ee xilalka sare – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Cabdi Diini oo ka mid ah xildhibaanada dhalinyarada ah ee sanadkaan ku soo biiray baarlamaanka ayaa sheegay inuu u tartamo xilka  guddoomiyaha golaha shacabka, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Somali Cable.

Faarax oo ka soo jeeda beesha Duduble, ayaa ka mid ahaa xildhibanadii lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Ninkaan oo siyaasadda ka soo galay dhanka NISA, kuna dhow Fahad Yaasiin, ayaa mar soo noqday Taliyaha Nabad sugidda ee dekedda Muqdisho, sidoo kale hada waxuu ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Sida lagu baahiyey xogtaan, Faraax waxay saaxiibo dhow yihiin Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo gadaal ka riixaya qorshaha loogu soo sharaxayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomalaiya.

“Xildhibaan Faarax Cabdi Diini oo olole xoogan ugu jira gursiga guddoomiyaha golaha shacabka, waxaan ka soo xiganay markaan eegay saami qeybsiga siyaasadda Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan isbedel ku sameeyo hanaanka ay Soomaalidu wax ku qeysato, waxaana go’aan ku gaaray, in xilka guddoomiyaha golaha shacabka aan isku soo taago,” ayaa lagu yiri xogta uu baahiyey TV-ga Somali Cable.

Markii la weydiyey sababta uu xilkaan u doonayo Faarax, waxaa lagu sheegay warbixintaan inuu ku dooday in doorka dhalinyarada ee golaha shacabka uu yahay ‘mid ay muhiim tahay in la xoojiyo.’

Horay waxaa u jiray warar sheegayey in Farmaajo iyo kooxdiisa ay qorsheynayaan in saami qeybsiga xafiisyada sare ee dowladda dhexe ay u kala wareejiyaan beelaha afarta ah, gaar ahaan xilalka kala ah, guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu suura-geli karto arrintaas, hadana waxaa la sheegay in qorshahaas ay danahooda siyaasadeed ka dhex arkayaan.