QM oo war kasoo saartay dagaalka culus ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka qaraaran ee kasocda deegaanka Tukaraq isla markaana u dhexeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Michael Keating, waxa uu nasiib darro ku sheegay in dad deegaan wada ah ay u bareereen daadinta dhiigooda, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu Michael Keating ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Michael Keating, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.

Michael Keating, waxa uu labada maamul ku booriyey inay wada hadal yeeshaan, ayna muhiim tahay in ay gaaraan heshiis xabad joojin iyo mid siyaasadeed, waxa uuna cadeeyay in colaada ay ka dhalato in la waayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa Hoagaamiye Muuse Biixi Cabdi iyo kan Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ka dalbaday inay si deg deg ah khilaafkooda ugu raadiyaan xal nabadeed, si loo badbaadiyo dad badan.

Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanta Michael Keating, ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu horay ugu baaqay labada maamul in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com