Fadeexad dhaawac culus gaarsiisay magacii dadka Soomaalida oo ka taagan gobolka Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa baaraya xatooyo lagu tuhmayo 10 ka mid ah goobaha carruurta lagu xanaaneeyo, oo ay leeyihiin Soomaalida halkaas degan.

Chuck Johnson oo ah sii-hayaha madaxa waaxda caafimaadka iyo adeegga dadweynaha ee Minnesota, ayaa sheegaya in baaritaankan oo billowday 2014 uu horseeday in la xiro 13 goob, lix kiis dambi helis ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 4.6 milyan oo dollar.

Johnson ayaa sheegay inay soo shaac baxday qiyaano cad oo caado noqotay.

“Waa xaalad aan xaqiiqdii wax daryeel la siin carruurta, hase yeeshee carruurta loo geeyo goobaha xanaanada sida daryeel kuwa u baahan. Waxaana jirta in waalidiinta carruurta mararka qaar lacagta dowladda laga xado qeyb laga siiyo, taasi oo ah heshiis ka dhaxeeya waalidka iyo milkiilayaasha goobaha” ayuu yiri Johnson.

Hadalkiisa ayaa loola jeedaa inuu jiro heshiis dhex mara waalidka iyo kuwa leh goobaha xanaanada caruurta, ayada oo waalidka lacagta dowladda ay ku bixiso xanaanada caruurta qeyb laga siiyo, si ay caruurtooda u geeyaan goobaha xittaa haddii aysan u baahaneyn, ayada inta kale ee lacagtana ay qaataan dadka leh goobaha xanaanada.

Waxaa la rumeysan yahay in lacag dhan 100 milyan oo dollar, laga xaday gobolka, sanadihii ugu dambeeyey.

Eedayamaha noocan ah, oo Soomaali badan xabsiga loo dhigay, ayaa dadka Soomaalida magacooda gaarsiiyey dhaawac xooggan, kana carreysiiyey bulshooyinka kale oo u haysta Soomaalida tuugo dhacaya lacagtii ay canshuur ahaanta u bixiyeeen.

Caasimada Online
Xafiiska Minnepolis
caasimada@live.com