Golaha ammaanka QM oo go’aan cusub ka gaaray wakhtiga ciidamada Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada Golaha amaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda gudaha iyo daafah Somalia.

Wargeysyada oo xiganaaya warbixin uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in 30-ka October ee soo socota tirada Ciidanka labisan ee AMISOM ka jooga Somalia ay noqdaan 20,626 oo Askari, halka ay hadda ka yihiin 22,126 oo Askari.

Waxaa warbixinta kasoo baxday Golaha lagu sheegay in muddo dhimista Askarta Militeriga ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah, sida uu soo saaray Golaha.

Golaha waxa uu sheegay in lamideyn doono Booliska isla markaana loo bedeli doono Boolis xirfadeysan, waxaana loo qeybin doonaa 5 Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah.

Unugyadan la sameynaayo ayaa la sheegay inay ka qeybqaadanayaan dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya ee la doonaayo inay bedelaan kuwa AMISOM.

Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah, iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya  10,900, kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM.

Sidoo kale, Taliska iyo Ciidamada AMISOM ayaa waxaa fursad loo siinayaa in ilaa dhamaadka Bisha July ee soo socota ay Ciidamo u diri karaan Somalia kaddibna ay billaabaneyso ku beddelidda  Booliska, sida uu yahay qaraarka kasoo baxay Golaha.

Dhinaca kale, Golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in qorshaha dhismaha ciidamada Somalia iyo kan bixitaanka AMISOM uu noqon doono kan ay ku qeexeen warbixintooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com