Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Tukaraq iyo ciidan gurmad ah oo ku qulqulaya

Tukaraq (Caaimada Online) – Dagaalkii ka socdey aaga Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland  ayaa istaagey xiligii makhribka ee xalay, Soomaaliya, waxaana uu socdey muddo 10 saac ah.

Dagaalka ayaa u qaybsanaa  dhawr qaybood waxaana bilowgiisu ka dhacay hawdka u dhexeeya Boocame iyo Tukaraq,  dagaalkaas oo ka dhacay laba aag ayaa waxaa uu qaboobay duhurkii kadib markii roob xooggan halkaas ka da’ay. Dagaalka labaad  ayaa ka dhacay ka dhacay waddada laamiga ah.

Dagaalka ayaa makhribkii  istaagey iyada oo ciidanka Puntland ay ku hakadeen buundada Tukaraq dhanka xigta Garoowe, halka ciidanka Somaland ay magaalada Tukaraq ka xigeen dhanka Laascaanood.

Magaaalada Tukaraq ayaa cidlo ah waxaana ka qaxay dadkii deganaa halkaas. Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  gelinkii danbe ee shalay ayaa dagaalku  badnaa mid la isku garaacayo madaafiicda culus sida qoriga PM-ka.

Labada ciidanba waxaa  soo gaarey gurmadyo xoojin ah, waxaana aad loo saadaalinayaa in waaberiga maanta dagaalku dib u qarxi doono haddii aan isla habeenimada caawa ah, ciidanka Somaliland baneyn aaga qoraxdu ugu dhacdey.

Dhimashada labada dhinac kala gaartey ayaa ku dhaw 30 qof, halka dhaawucu intaas ka badan yahay, Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 9 gaari oo tikniko ah, halka Somaliland sheegatey in ay qabsadeen 6 Tikniko ah oo Taangi ku jiro.

8 Janaayo 2018 ayey ahayd markii Ciidamada Somaliland duulaan ku qabsadeen Tukaraq oo ahayd kastamka Puntland  ee gobolka Sool.

Isha: HM