Gaadiidkii casriga ahaa ee DF loogu deeqay oo loo isticmaalayo si qaldan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dhex qulqulaaya Gaadiid casri ah oo dhawaan ay dowladda Qadar ugu deeqday Dowlada Somalia.

Gaadiidkan oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’adaha amaanka, gaar ahaan Booliska, halka qaarna loo hibeeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada, hase ahaatee waxa ay u muuqdaan kuwo aan la marin wadadii loogu tallo galay.

Gaadiidkan oo u badan Landcroser ayaa waxaa si mas’uuliyad darro ah ugu dhexwata gudaha magaalada Carruur dhalinyaro ah oo u muuqda inay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu qaabab khaldan ku helay gaadiidka.

Gaadiidka qaarkood oo aanu Xabadda Karin ayaa waxaa xiliyada qaar ku arkeysaa Xeebta Liido iyo Goobo kale oo aan munaasib aheyn waxaana ka dhex muuqda Carruur qaab khaldan u isticmaala gaadiidka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal isugu jira ayaan heysan Gaadiid ku haboon kuwaa oo la dayacay amnigooda, halka Gaadiidkii loogu tallo galay ay ku tamashleynayaan Carruur.

Dowlada Somalia ayaa waxaa loogu deeqaa Gaadiid casri ah, hase ahaatee waxaan la ogeyn halka la mariyo, iyadoo taa loo fasirankaro inaanu jirin maamul u xilsaaran dhex u xirashada ilaalinta Hantida Qaranka.

Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay isku xil qaantay maareynta Hantida Qaranka, waxaase xusid mudan inay jiraan shaqsiyaad qaabab khaldan u isticmaala Hantida Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qaabka ay Dowlada Somalia uga jawaab bixin doonto ku tagrifalka Gaadiidka casriga ah ee loogu deeqay, balse ay ku tagrifalaan carruur ay dhaleen mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com