Aroos naadir ah oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa waxaa isku aroosay Lamaane aan wax maqli karin isla markaasna aan hadli karin. Waana arrin naadir ku ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo magaalada Gaarisa ee ay arrintani ka dhacday, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay.

Caruus Maxamed Cabdixamiid ayaa sheegay “in uu aad ugu faraxsan yahay arooska wuxuuna u mahadceliyay waalidkii iyo waalidka xaaskiisa”.

Bashkas iyo Cabdixamiid waxa u kala turjumaanay Xaliimo Guure oo ku takhasustay luuqadda miidaarka ee dhagoole yaasha.

Caadiyan dadka Soomaalida ah ayaan aad u daryeelin dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida dhagooleyaasha, haddaba BBC-da ayaa caruuska waydiisay sida ay arrintan ugu suuragashay?

“Waalidkay ayaa aad iigu dadaalay waxna i baray, ina garabtaagnaa ilaa iyo heerkan, soomaaliduse aad bay u takooraan dhagoole yaasha, guryaha ayay ku hayaan, marka waa in ay ogaadaan ahmiyadda ay leedahay in wax la baro dhagooleyaasha”, yuu yiri Maxamed oo luuqadda miidaarka adeegsanaya.

Hadalkaasna waxaa ku raacay Sheekh Cusmaan Cabdi oo isku meheriyay lamaanahan is caashaqay, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in aan la dayicin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sheeka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in qof dhagoole ah uu ka caqli badnaan karo dadka aan dhagooolaha ahayn.

Maxamed wuxuu rajaynayaa in uu toddobo ilaa siddeed ilmood dhalo wuxuuna jeclaan lahaa in uu wiil ku curto gabadhna ku xijisiiyo.

Wuxuu sheegay in uu carruurtiisa jeclaan doono haddii ay dhagoole yaal noqdaan iyo haddii kalaba.

Cabdixamiid Sheekh Xasan Shiil oo ah aabaha carruurka ayaa sheegay in uu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood isla markaasna ay aysan dhammaantood waxba maqlin isla markaasna aysan hadlin.

Cabdixamiid wuxuu sheegay in labii gabdhood laga guursaday, Maxamedna uu soo calmaday gabadh sidiisa oo kale aan waxba maqlin isla markaasna hadlin isla markaaasna uu ku taageeray.

“Waxaan u dhigay aroos ay kharash badan ku baxday si uusan isu dhihin waad ka liidataa kuwa wax maqla” ayuu aabaha oo la hadlay BBC-da.

Isha: BBC