Mursal oo Baydhaba ku wajahan xili ay ku shirayaan maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaca ah uu u socdaalo magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiye Mursal, oo ka socta Garoonka magaalada.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana xusid mudan in socdaalkiisa Baydhabo uu yahay mid kusoo beegmaaya xili halkaa uu ka socdo shirka Hogaamiyayaasha maamulada.

Qorshaha socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo la kulmida madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas oo shirkooda dhaliilo farabadan laga muujiyey.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaanan weli shirkoodii soo gaba gabeyn, waxaana warar soo baxayay ay sheegayen in ay jiraan qodobo ay isku mari la’yihiin taas oo waqtiga ku dheereysay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in Guddoomiye Mursal uu xal u helo tabashooyinka Hogaamiyayaasha Maamulada, iyadoo wixii intaa ka danbeeya leysla soo aadi doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com