Rasaas laga maqlaayo Tukeraq & Puntland oo soo bandhigtay Gaadiid dagaal oo ay qabsatay + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online)-Dagaalada culus oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu dib Caawa uga bilowday deegaanka Tukeraq ee Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in Caawa uu dib u Qarxay, waxaana la maqlayaa Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay is weedarsanayaan ciidamada labada maamul ee dagaalamaaya.

Dagaalka hadda socda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan waxa uuna Khasaaraha Dhimasho ilaa maanta gaarayaa inkabadan Afartan Askari, halka Dhaawacana uu kor u dhaafayo Sodon oo qaarkood aan weli loo helin Dawo.

Dhaawacyada gurmadka helay ayaa waxaa la kala geeyay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Burco iyo Oog iyadoo hadda lagu daweynayo Isbitaaladaasi.

Askarta dhimatay waxaa ku jira saraakiil Lix kor u dhaafaya oo labada dhinacba ka dhintay.

Taliyihii ciidanka Somaliland ee Tukeraq Maxamed Daa’uud ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay saraakiisha ku dhintay dagaalka.

Xaalada Isbitaalada la geeyay dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay mashquul badan ka jira islamarkaana laga joojiyay dadkii soo booqanayay.

Taliyaha ciidamada Millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan deegaanka Tukeraq ayaa sheegay in dhaawacyo iyo dhimasho badan ay jiraan labada dhinacba balse aanay warbaahinta u sheegi karin khasaaraha dhabta ah.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka Puntland oo la hadley VOA ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq oo hadda xabaddu magaalada ka socoto goordhawna ay sii dhaafi doonaan.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, Saxaafadda ayaan ku casumi doonaa mar dhow ayuu yiri Tukaraq.

Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen.

Wuxuu sheegay in caawa Gaadiid Dagaal oo leedahay Somaliland ay ku hoyanayaan gacanta maamulka, kadib markii maantaay ciidamada labada maamul ku dagaalameen deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale, Labada maamulba waxaa ay xoojinayaa ciidamada ku dagaalamaya Tukaraq iyadoo magaalo kasta laga soo daad guraynayo ciidamada Gurmad ah.